Madaxa wasiirada dalka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay u diyaar garoobeyso marti gelinta Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Badweynta Caalamka (CMM) sanadka 2026-ka, isaga oo dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay dalka in uu helo maamul waara oo badweynta iyo ilaalinta deegaanka ah.
Isagoo ka hadlayay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Barwaaqo sooranka (CFAMM) oo dhinac socda shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayuu Mudavadi waxaa uu sheegay in isu imaatinka uu sii ambaqaadi doono dardargelinta wadahadaladii shirka Wasiirrada Badweynta Barwaaqo sooranka (COMM) ee ugu horreeya ee lagu qabtay dalka Cyprus bishii April ee 2024-kii.
Shirkii Cyprus, Kenya ayaa waxaa ay ku muujisay xiisaha ay u qabto martigelinta shirka soo socda ee wasiirada, kaas oo si ku talagal ah loogu qorsheeyay inuu ka dhaco Mombasa bisha Janaayo 2026-ka. Iyadoo la sugaayo xaqiijinta rasmiga ah ee shirka Mudavadi ayaa waxaa uu iftiimiyay in tani ay ka tarjumeyso dadaalka dheer ee Kenya ee ku aaddan ficilka cimilada adduunka.
Tan iyo markii ay xubin ka noqotay Barwaaqo sooranka 1963-kii, Kenya ayaa waxaa ay sii waday in ay ka faa’iidaysato taageerada ururka ee dhinacyada sida doorashooyinka iyo dib u habeynta dastuurka, horumarinta hay’adaha, iyo dadaallada dib u heshiisiinta qaranka.