Maraga oo dhaleeceyay “ku-takri-falka hantida dadweynaha”

0
387

Madaxii hore ee cadaalada dalka David Maraga ayaa ku dhaleeceeyay dowladda inay ku takrifashay hantida dadweynaha iyadoo u mareysa barnaamijyo awood siin ah, isagoo ku tilmaamay laaluush siyaasadeed oo loo ekeysiiyay horumar.
Isagoo ka hadlayay xaflad qalin jebin ah oo ka dhacday beerta Karmel ee ismaamulka Kisii, Maraga ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay in si bareer ah loogu leexsado lacagaha canshuur bixiyayaasha arrimo siyaasadeed.
Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in madaxda ugu sareysa dowladda oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka dalka Peof. Kithure Kindiki iyo wasiiro kala duwan oo golaha wasiirada ka tirsan lagu arkay iyaga oo lacag ka qeybinaya guud ahaan dalka oo xitaa la sheegay in ay lacago ka aruurinayeen aqalka madaxtooyada.
Maraga ayaa ka digay in la leexsado lacagaha canshuur bixiyayaasha ay curyaamiyaan adeegyada muhiimka ah, isagoo sabab uga dhigay hakad ku yimid waxbarashadda sare oo ay sababeen macalimiin mushaar la’aan ah iyo khatarta shaqo joojinta oo durba bilowday inay saameyso jaamacadaha.
Isagoo ugu baaqay dadka Kenyaanka ah inay adeegsadaan awooddooda dimoqraadiyadeed, Maraga ayaa waxaa uu ku booriyay muwaadiniinta inay xilka ka tuuraan maamulka hadda jira doorashada guud ee 2027, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hoggaan si hufan u maareyn kara kheyraadka iyo mudnaanta dalka.