Wetangula oo ku booriyay Kenyaanka in ay ka hadlaan wax ka qabashada GBV-ga

0
376

Afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetang’ula ayaa qeylo dhaan ka muujiyay kiisaska sii kordhaya ee tacaddiyada ku saleysan jinsiga (GBV), isaga oo ku tilmaamay arrintan mid dambi ah iyo mid akhlaaq darro ah waxaa uuna ku booriyay Kenyaanka inay u midoobaan ka hortaggiisa.
Isagoo ka hadlayay Sabtidii intii lagu guda jiray barnaamijka awoodsiinta haweenka iyo kooxaha dhallinyarada ee deegaanka Kapenguria ee ismaamulka West Pokot Wetang’ula ayaa sheegay in GBV-ga aysan kaliya baabi’in sharafta haweenka balse ay sidoo kale wiiqdo xasiloonida guryaha oo ay wiiqdo qaabdhismeedka bulshada ee qaranka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka digay madaxda ku xamaasha isir nacaybka iyo siyaasadda isdiidan, isagoo xasuusiyay dadka Kenyaanka ah in dalka uu qof walba leeyahay, lagana ilaaliyo in loo horseedo xasilooni darro.
Waxaa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay taageero uu u hayo dib u doorashada madaxweyne William Ruto ee 2027, isaga oo sheegay in shaqada ay heleen in ka badan 100,000 oo macalimiin ah tan iyo markii uu Ruto la wareegay xafiiska.
Wetang’ula ayaa waxaa uu ku booriyay muwaadiniinta in ay madaxweynaha u doortaan xilka mar labaad si uu u dhamaystiro mashaariicda horumarineed ee socda, isla markaana dalka oo dhan loo gaarsiiyo horumar dheeraad ah.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo guddoomiyaha xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) Gladys Wanga ay digniin adag u dirtay cid kasta oo qorsheynaysa inay madaxweyne Ruto kula tartanto doorashada guud ee 2027, iyadoo sheegtay inay u diyaar garoobaan tartan adag.