DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo sheegay in si siman loo horumarin doono gobollada dalka oo dhan

0
460

Madaxweyne William Ruto ayaa mar kale sheegay in aan qeyb ka mid ah dalka aysan ka hari doonin isbedelka qaran ee ay waddo maamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay leeyihiin dhammaan dadka Kenyaanka ah, isla markaana ay si siman uga faa’iideysan doonaan barnaamijyada iyo siyaasadaha ay dowladda fulineyso.
Isagoo Sabtidii ka hadlayay kuliyadda isku dhafka ah ee Eastern Kenya ee ku taal magaalada Mitaboni, ee ismaamulka Machakos ayuu sheegay in aan qeyb ka mid ah dalka laga reebi doonin horumarka.
Waxa uu xusay in inkasta oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka Ukambani ay markii hore tilmaameen in aanay xiisaynaynin guryaha iyo suuqyada wax soo saarka cusub, haddana dowladda ay barnaamijyada ka fulin doonto magaalooyinka iyo tuulooyinka ismaamullada Machakos, Makueni iyo Kitui.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lacag dhan 45 bilyan loo qoondeeyay in lagu dhiso guryaha la awoodi karo, suuqyo wax soo saar cusub ah iyo guryaha ay ardayda sexdaan.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa intaa ku daray in 5.5 bilyan oo kale loo qoondeeyay waddooyinka gobolka, iyo 5.5 bilyan oo loogu talagalay isku xirka korontada ee dowlad deegaanadaas.