DHEGEYSO:Xildhibaanka Kamukunji oo deeq gaarsiiyay dad uu dhawaan saameyay dab ka kacay deegaanka

0
383

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa deeq isugu jirta raashin iyo bustayaal gaarsiiyay dadka deegaanka oo ay saameeyeen saddex shil oo dab ah oo todobaadkan ka dhacay gudaha deegaanka.
Dadaalkan ayaa yimid iyadoo tobanaan qoys ay guryo iyo hanti la’aan ku noqdeen ka dib markii dhowr dab ay ku dhufteen xaafadaha Shauri Moyo, Pumwani, iyo Koonfurta Islii.
Dhacdadii ugu horreysay ayaa subaxnimadii Arbacada ka dhacday xaafadda Pamela ee Shauri Moyo, halkaasoo dab kacay barakaciyay ila 130 qof. Isla fiidnimadii Arbacada, dab kale ayaa ka kacay xaafadda Rokongo ee Pumwani, kaasoo baabi’iyay hanti ay lahaayeen 11 ka mid ah dadka deegaanka. Shilka saddexaad ayaa 25 qof ay hanti la’aan ku noqdeen ka dib markii dab uu habeenkii Khamiista ka kacay agagaarka bullaacadaha ee xaafadda Koonfurta Islii.
Yuusuf oo ka hadlayay intii lagu guda jiray howsha gurmadka ayaa u xaqiijiyay dhibanayaasha in gargaarka uusan ku ekaan doonin qeybinta ee raashinka iyo bustayaasha. Waxaa uu sheegay in Xafiiskiisa uu la xiriiro Dowladda Qaranka si loo helo taageero dheeraad ah oo loo fidiyo qoysaska guryahooda ku waayay.
Xildhibaanka ayaa kula dar daarmay dadka ay dhibaatada soo gaartay gaar ahaan kuwa caruurtooda ay dhigataan dugsiyada sare iyo jaamacadaha in ay iska soo diiwaan galiyaan xafiiskiisa si caruurta looga bixiyo lacagaha iskuulka.