Wasiirka amniga dalka Kipchumba Murkomen ayaa si kulul u weeraray dadka su’aalo ka keenayay hadalkiisii ahaa in saraakiisha booliisku ay xaq u leeyihiin in ay dadka weydistaan shidaal marka loo baahdo si ay u sugaan amniga.
Murkomen ayaa difaacay booliska isagoona ku tilmaamay nacasnimo in hab dhaqanka booliska lagu tilmaamo mid musuqmaasuq ah marka uu ka dhamaado shidaal oo ayna gargaar ka dalbadaan kenyaanka.