DHEGEYSO:Xisbiga ODM oo maanta isku soo bax weyn ku qaban doona Magaalada Wajeer

0
392

Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa qorsheeyay labo isu soo bax oo waaweyn oo heer gobol ah xilli xisbigu uu sii xoojinayo u diyaar garowga dabaaldega sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii xisbiga ODM.
Xisbiga ODM ayaa sabtida maanta ah isu soo bax weyn ku qaban doona ismaamulka Wajeer, oo ah xarun dhaqameed ay ku xooggan yihiin ODM, halkaas oo la filayo in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka uu isugu keeno taageerayaasha xisbiga.
Baarsaabka ismaamulka Wajeer Ahmed Abdullahi ayaa kormeer xalay ku tagay garoonka Wagberi oo maanta lagu qaban doono dabaaldaga sanadguuradii 20aad ee xisbiga ODM.
Mas’uuliyiin badan oo ka socota xisbiga ODM ayaa maanta Wajeer ku wajahan.
Qaar ka mid ah hooyooyiinka taagera xisbiga ODM ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hoggaanka xisbigaas.