Ruto: Dowladda oo ka dhiibi doonto lacagaha SHA in ka badan 2.2 milyan oo Kenyaan ah

0
417

Madaxweyne William Ruto ayaa daah furay caymis cusub oo Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) oo lagu beegsanayo 2.2 milyan oo Kenyaan ah oo aan awoodin inay bixiyaan lacagaha caymiska ah SHA.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray furitaanka Jimciha maanta ah ayuu madaxa dowladda waxaa uu tilmaamay in daryeelka aasaasiga ah ee hoos yimaada barnaamijka ay ku baxayso 4.4 bilyan ay ka mid noqon doonaan la tashiyo, baritaanka dhiig karka, miisaannada, baaritaanka heerka sonkorta, iyo baaritaanka duumada.
Is diiwaangelinta isbitaallada hoos yimaada daryeelka sare ayaa waxaa ka mid noqon doona maaraynta xanuunka macaanka, daawaynta kansarka, sifaynta kalyaha, iyo daawaynta kale ee la xiriira.
Waxaa uu ku booriyay barasaabyada, xubnaha baarlamaanka, bah wadaagta horumarinta, iyo dadka wanaaga jecel inay ku biiriyaan dhaqaale dheeri ah si loo ballaariyo gaaritaanka barnaamijka loona daboolo qoysas badan oo nugul.
Ruto ayaa shaaca ka qaaday in dowladda, iyada oo adeegsaneysa wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo ilaalinta bulshada, ay horey u aruurisay xog uruurin qoysaska aadka ugu baahan.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qorshaha cusub ee SHA uu ku qotomo mabda’a sinnaanta helitaanka daryeelka caafimaadka oo qayb ka ah dib u habaynta ballaaran ee dowladda ee qaybta caafimaadka.
SHA, oo bedeshay Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Qaranka ee (NHIF) ee la baabi’iyay ayaa waxaa ay ka kooban tahay dhowr qaybood, sida Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHIF), Sanduuqa Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah, iyo Sanduuqa Cudurrada Degdegga ah, Daba-dheeraada iyo kuwa Ba’an.
Bartamihii sanadkan 2025, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in in ka badan 23.3 milyan oo Kenyaan ah ay iska diiwaan geliyeen SHA, taas oo muujinaysa kor u kaca dadweynaha.
Kaliya 5.6 milyan oo Kenyaan ah oo diiwaan gashan ayaa, si kastaba ha ahaatee, wax ku biiriyay sanduuqan.