DHEGEYSO:Shaqo joojinta bareyaasha jaamacadaha oo ka socoto ismaamullo kala duwan

0
616

Waxaa si rasmi ah u dhaqan gashay shaqo joojinta ay ku howlan yihiin bareyaasha jaamacadaha dowliga ah.
Waxay dowladda ku eedeynayaan in aynan fulin heshiisyo ay horay ula gashay.
Xarumaha ay shaqo joojintan saameysay waxaa ka mid ah jaamacadda Kibabii ee ismaamulka Bungoma, jaamacadda Pwani ee Mombasa, Machakos iyo sidoo kale Nyeri.
Qaar ka mid ah bareyaasha dibadbaxa sameynaya ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta waxayna sheegeen in aynan fasallada dib ugu laaban doonin ilaa iyo inta laga fulinaya dalabaadkooda.