DHEGEYSO:M-Pesa Foundation oo maalgelisay mashaariicda caafimaadka ee Migori iyo Nyamira

0
389

Shirkadda tabarucaadda ee M-Pesa Foundation ayaa lacag dhan 110 milyan oo shilin ku maalgelisay fulinta mashaariicda caafimaad ee ismaamullada Migori iyo Nyamira .
50 milyan oo lacagtan ka mid ah ayaa isbitaalka dhalmada iyo dhallaanka oo ay u dhameystiran yihiin qaybaha kala duwan looga dhisay deegaanka Awendo ee Migori.
Waxaa arrintan ka mahadceliyay barasaabka dowlad deegaanka Migori Dr. Ochilo Ayacko oo sheegay in xaruntaasi ay hadda si buuxda u shaqeynaysa.
Ismaamulka Nyamira ,shirkadda M-pesa Foundation ayaa isbitaalka deegaanka Nyamusi ka hirgelinaysa qaybta dhalmada iyo dhallaanka oo ay ku baxaysa 60 milyan oo shilin.
Barasaabka Nyamira, Amos Nyaribo ayaa bogaadiyay iskaashiga kala dhexeeya shirkaddan ee lagu wanaajinaya adeegyada caafimaadka.