Maxkamadda oo hor istaagtay in isbeddel lagu sameeyay dastuurka loo gudbiyo madaxweynaha

0
401

Maxkamadda sare ee dalka ayaa baarlamaanka ka hor istaagtay inuu hindise sharciyeedka wax ka beddelka dastuurka uu u gudbiyo madaxweyne William Ruto si uu u saxiixo.
Tani ayaa timid ka dib dacwad ay maxkamadda gaysay shirkadda Katiba Institute.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in ay jiraan arrimo culus oo dhanka sharciga ah oo u baahan in maxkamadda ay eegto si ay go’aan uga soo saarto.
Waxaa dacwaddan lagu wareejiyay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome si ay u soo magacawdo guddi garsoorayaal ah oo dhageysta go’aan kama dambeys ahna ku dhawaaqa.
Shirkadda dacwadda gudbisay ee Katiba Institute ayaa ku doodaysa in hindisahan uu yahay mid ku xadgudbaya dastuurka dalka .
Sidoo kale , waxay sheegtay in ay ku jiraan qodobbo ay qasab tahay in dadweynaha ay afti u qaadaan ka hor inta aynan dhaqan gelin.