Denmark oo iibsanaysa hub ka dhan ah Ruushka

0
420

Dowladda dalka Denmark ayaa sheegtay in ay soo iibsan doonto hubka riddada dheer si ay iskaga difaacdo daandaansi uga yimaada Ruushka.
Waxaa sidatan sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen.
Waxay hoosta ka xarriiqday in kastoo aynan hadda jirin halis taagan oo uga imaanaysa dhanka xukuumadda Moscow haddana in khatar ay soo foodsaari karta sanado ka dib.
Wasiirka difaaca ee Denmark ,Troels Lund Poulsen ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay ku dadaalayaan in ay xoojiyaan madaafiicdooda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in kastoo uunan si cad u qeexin nooca hubka ee ay doonayaan in ay iibsadaan.