Tirada dadka lagu dilay Qaza oo kor u dhaaftay 65,000

0
298

Waxaa weli socdo weerarrada ay ciidamada difaaca ee Israa’iil ka gaysanayaan daafaha Marinka Qaza iyadoo tiradii ugu dambeysay ee ay dileen ay tahay ugu yaraan 83 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ka mid ah 61 lagu dilay magaalada Qaza.
Tani ayaa tirada guud ee dadka lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ka dhigaysa ugu yaraan 65,062 ruux halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 165,697 kale.
Warbaahinta caalamiga ee Al Jazeera ayaa tabinaysa in Israa’iil ay cadaadis xad ka bax ah saareysa boqolaal kun oo ah Falastiiniyiin ku nool Waqooyiga Qaza si ay ugu qasabto in ay u wareegaan Bartamaha iyo Koonfurta Qaza oo ay dadku buuxdhaafeen.
Dhanka kale , wasiirka maaliyadda ee Israa’iil , Bezalel Smotrich ayaa Qaza ku tilmaamay meel hooy laga sameyn karo uuna arrintan si fircooni leh ugala hadlaya Maraykanka si gaar ah sidii Qaza loo kala qaybin lahaa.