Mid ka mid ah garsoorayaasha arrimaha socdaalka ee Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in dalalka Syria iyo Algeria midkood loo tarxiilo Maxamoud Khaliil oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Falastiiniyiinta.
Wuxuu sanadkii hore door wayn ka qaatay dibadbax looga soo horjeeday duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza.
Mudaaharaadka ayaa xilligaasi lagu qabtay Jaamacadda Columbia University ee Maraykanka.
Garsoore Jamee Comans ayaa Khaliil ku eedeyay inuu ka gaabiyay shaacinta macluumaad muhiim ah oo ku aaddan xilligii uu degganaansho sharci ah oo joogto ah uu ka helay Maraykanka.
Maxamoud Khalil oo u dhashay Falastiin balse sidoo kale haysta dhalashada Algeria ayaa horay u muujiyey cabsi uu ka qabo in Israa’iil ay ku bartilmaameedsato u ololeynta xuquuqda falastiiniyiinta.
Hasa ahaate, qareennadiisa ayaa sheegay in ay damacsan yihiin in ay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadeed ee la doonaya in shakhsigan looga tarxiilo Maraykanka.