Amiirka Qatar oo booqanaya Jordan si uu u dejiyo iskaashi militari kadib weerarkii Israa’iil

0
417

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa booqanaya Xukuumadda Cummaan si uu wadahadal ula yeesho boqorka Urdun, maalmo kadib markii uu ku martigeliyay hoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa Islaamka shir deg deg ah oo lagu cambaareeyay weerarkii dhawaan Israa’iil ay ku qaaday magaalad Dooxa.
Hoggaamiyaha Qatar ayaa Arbacada maanta ah ka degay caasimadda Jordan, halkaasoo uu ku qaabilayo Boqor Cabdallah, Dhaxal sugaha Boqortooyada, Xuseen Cabdallah iyo saraakiil sare oo ka tirsan Jordan.
Booqashada Amiirka ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo markii militariga Israa’iil ay weerar ku qaadeen xaafad ku taal magaalada Dooxa 9-kii bishan, halkaasi oo ay ku dileen lix qof.
Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa shir madaxeedka Isniintii ku ballan qaaday “in la dhaqaajiyo habka difaaca wadajirka ah”, natiijada ugu waxqabadka badneed ee kulanka.