Afhayeenka Barlamaanka Isiolo oo doonaayo in si degdeg ah loo daba galo kiiska afduubka ah ee ka dhan ah Guyo

0
499

Afhayeenka baarlamaanka ismaamulka Isiolo Maxamed Roba ayaa sheegay in barasab Cabdi Guyo ay tahay in uu wajaho sharciga ka dib markii lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha afduub loo geestay sarkaal hore uga tirsanaan jiray maamulkiisa.
Roba ayaa ugu baaqay dowladda inay cadaalada hor keento guddoomiye Guyo maadama uu ka dambeeyay afdubkii iyo jir dilkii loo gestay madaxii hore ee Caafimaadka ismaamilka Cabdiraxmaan Maxamed.
5-tii bishan September, Agaasimaha dacwad oogista ayaa amray in la soo xiro Guyo iyo toddobo qof oo kale oo loo hesto afduub, dhac iyo jir dil.
Isagoo ka hadlayay magaalada Garsen ee ismaamulka Tana River Isniintii, afhayeen Roba ayaa ku dhaleeceeyay mas’uuliyiinta inaysan dhaqan gelin awaamiirta ka soo baxday xafiiska dacwad oogista.
Waxaa uu hadda ugu baaqay madaxweyne William Ruto inuu soo farageliyo arrintan.