Afar qof oo ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay waddada weyn ee Nairobi iyo Mombasa

0
428

Afar qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shil naxdin leh oo ka dhacay waddada mashquulka badan ee xiriirisa Mombasa iyo Nairobi habeenimadii xalay.
Shilkan oo ka dhacay deegaanka Kalimbini oo ku dhow Suldaan Xaamud, ayaa waxaa isku dhacay gaari gaar loo leeyahay iyo kuwa xamuulka qaada.
Booliiska iyo kooxaha gurmadka degdega ah ayaa markiiba goobta soo gaaray si ay gacan uga geystaan soo saarista meydadka iyo la tacaalida dhaawaca.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dadka ku dhaawacmay shilkaasi.
Shilkan ayaa dhacay todobaadyo un kadib markii laba qof ay dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo aad looga naxay oo ka dhacay isla qaybta waddada weyn ee Kwa Mautiiyo ee aaga Malili.