Wasiirka arrimaha gudaha dalka oo faah faahin ka bixiyay dil dhawaan loo gaystay qareen

0
411

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dalka Kipchumba Murkomen ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid soo qabashada tuhmanayaasha ka dambeeyay dilka qareenkii lagu magacaabi jiray Kyalo Mbobu iyo maqnaanshaha kaamirooyinka CCTV ee wadada Magadi, halkaasoo ay ka dhacday toogashadii qareenka.
Wasiir Murkomen ayaa cambaareeyay dilka, isagoo xusay in aagga lagu dilay qareenka aysan lahayn kaameerooyiinka qarsoon ee CCTV-da taasi oo caqabad ku noqotay laamaha ammaanka in ay gacanta ku soo dhigaan tuhmanayaasha.
“Ma fududa sababtoo ah aagga ay dhacdadani ka dhacday ma lahayn kamaradaha CCTV,” Murkomen ayaa sidaas yiri.
Mbobu ayaa waxaa 8 xabadood ku dhuftay rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaasi oo markii dambe ku baxsaday mooto. Ku dhawaad toddobaad ka dib, ma jirto cid loo qabtay.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa rajo ka muujiyay, isaga oo sheegay in baarayaashu ay soo ururiyeen tilmaamo qiimo leh oo ka yimid dad ku dhow qareenka.