Hoggaamiyaha Wiper Stephen Kalonzo Musyoka ayaa madaxweyne William Ruto ugu baaqay in uu shaaca ka qaado howlgalka ay ciidamada Jubbaland ka wadaan gudaha dhulka Kenya ee ismaamulka Mandheera.
Musyoka ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada qalabka sida uu cabsi badan ku abuurayo shacabka ku dhaqan magaalada Mandheera oo la sheegay in ay fariisteen dugsi hoose, taasi oo keentay in waxbarashadii deegaankaasi ay istaagto.
Isagoo ka hadlayay deegaanka Tseikuru, hoggaamiyaha Wiper ayaa ka codsaday madaxweyne Ruto inuu ciidamada shisheeye ka dhex saaro dhulka Kenya.
Joogitaanka ciidamada ee Waqooyiga Kenya ayaa walaac ku beertay muwaadiniinta, taasoo keentay in wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen uu meesha ka saaro cabsida laga qabo qalalaasaha.