Kooxaxa burcada ee ismaamulka West Pokot ayaa iyaga oo ka faa’iidaysanaayo cafiska dowladda si iskood ah u soo dhiibay 3 qori oo sharci darro ah.
Dowladda ayaa dhawaan soo saartay cafis looga gol leeyahay in hubka looga dhigo burcadda ka howlgasha guud ahaan ismaamullada West Pokot, Elgeyo Marakwet, iyo Turkana.
Hub dhigista ayaa timid ka dib baaqyo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda intii lagu guda jiray kala fadhiga Jukwaa la Usalama ee dhawaan ka dhacday deegaanka Kapenguria, oo uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen.
Saraakiisha ammaanka ee gobolka ayaa ka digay in hadii hubkan la soo dhiibi waayo ay horseedi doonto cawaaqib sharci.
Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka West Pokot Cabdullahi khaliif, saraakiisha ammaanka ee ismaamulka ayaa soo dhaweyay tilaabadan iyaga oo sheegay inay tahay astaan wada shaqayn dhex marta bulshada deegaanka iyo laamaha ammaanka.
Saraakiisha ammaanka ee dowlad deegaanka ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay soo celinta nabad iyo hasiloonida ee gobolka Waqooyiga Rift Valley.