Maxkamadda Sare ee Thailand ayaa Talaadada maanta ah soo saartay xukun ah in Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Thaksin Shinawatra uu hal sano uu xabsiga ku jiro maadama intii uu isbitaalka ku jiray uu san dhamaysan mudadiisa ciqaabta.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in Thaksin uusan qabin xanuun daran, isbitaalkiisana aan lagu tirin karin waqtigii loogu talagalay inuu guto xarigiisa.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu maalqabeenka ku sheegay in uu aqbalay xukunka maxkamadda.