Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee ismaamulka Kirinyaga Julius Njiiri ayaa geeriyooday.
Peter Karinga, oo seedi u ah guddoomiye ku xigeenkii hore ayaa sheegay in Njiri uu geeriyooday habeenimadii Axadda.
Julius Muthike Njiiri ayaa waxaa uu ku xigeen u ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee dowlad deegaanka Kirinyaga Joseph Ndathi, kaas oo xilka hayay intii u dhaxeysay 2013-kii iyo 2017-kii.
Sida laga soo xigtay Karinga, Julius Njiiri ayaa ku dhintay isbitaalka Mwea mission.
Hogaamiyeyaal dhowr ah oo laga soo doortay ismaamulka Kirinyaga oo uu hogaaminayo senetar Murango Kamau ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay qofka geeriyooday.