In ka badan 1,000 qof oo ku dhimatay dhul go’ ka dhacay tuulo ku taalo galbeedka Suudaan

0
396

Kooxda Xoreynta Suudaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 1,000 qof ay ku dhinteen dhul go’ burburiyay tuulo ku taal deegaanka Buuraleyda Marra ee galbeedka Suudaan iyadhoo hal qof oo kaliya ka badbaaday.
Dhul go’a ayaa dhacay 31-kii Agoosto ka dib roobab mahiigaan ah oo maalmo socday, sida ay bayaan ku sheegeen kooxda uu hoggaamiyo Cabdelwahid Maxamad Nur.
Kooxdan oo gacanta ku hayso deegaanka ku yaalla gobolka Darfur, ayaa ka codsaday Hay’adda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa meydadka dadka dhintay, oo ay ku jiraan rag, haween iyo carruur.
Iyagoo ka cararaya dagaalka ba’an ee u dhaxeeya ciidamada militariga Suudaan iyo kuwa RSF-ta ee ku sugan waqooyiga gobolka Darfur, dadka deegaanka ayaa gabaad u doontay aagga buuraha Marra.
Dagaalka sokeeye ee labadii sano ee la soo dhaafay socday ayaa waxaa uu sababay in in ka badan kala bar dadka ay soo wajahdo heerar gaajo iyo in malaayiin ay ka barakacaan guryahooda iyadoo magaalada caasimadda ah ee Al-Fashir ay ka socoto rasaas.