Shirkadda tareenada ee dalka ayaa uga digtay dadweynaha dhaqanka khatarta ah ee ah in gaadiidka lagu kaxeeyo jidka tareenka, iyadoo ku sababaysay khataro xagga ammaanka ah.
Ogeysiis dadweyne oo ay shirkadda soo saartey ayay ku sheegtay in hab dhaqankan uu khatar weyn u keenayo badbaadada wadayaasha, rakaabka, iyo howlaha tareenada iyo sidoo kale khatarta shilalka ba’an ee burburka hantiyadeed iyo mid nafeed.
Wadayaasha baabuurta iyo dadka lugeynaya ayaa loogu baaqay inay ka gudbaan khadka tareenka kaliya isgoysyada heerka loo qoondeeyay, mar walbana u hoggaansamaan shuruucda amniga waddooyinka iyo tareenka.
Home Wararka Kenya Shirkadda Tareenada dalka oo dadweynaha uga digtay inay si qaldan u isticmalaan...