Madaxweynaha dalka oo doonaya inuu ka tago wadan ay shacabkiisu mideysan yihiin

0
741

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’aan tahay in dalka uu uga tago wadan ay shacabkiisa mideysan yihiin ka hor inta uusan muddo xileedkiisu dhammaanin.
Waxaa uu sheegay in asaga iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ay diiradda saarayaan sidii dhallinyarada dalka looga tagi lahaa dhaxal ay ku helayaan shaqooyin joogto ah.
Waxaa uu sheegay inuu doonaya in dalka uu noqdo mid ay muwaadiniinta ay ku faanaan.
Mr Kenyatta ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu sii wadi doono barnaamijyada horumarineed ee laga hirgalinayo guud ahaan dalka si loo hubiyo in dhammaan dadweynaha kenyaanka ay ka faa’iideystaan kheyraadka qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee laga fulinayo guud ahaan dalka looga dan leeyahay in dalka loo furo maalgashi si fursado loogu abuuro dhammaan Kenyaanka.
Waxaa uu intaa ku daray in siyaasadda xun ay dhaawaceyso midnimada iyo horumarka dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli gelinkii dambe ee shalay uu aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee Nairobi ku qaabilay madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay gobolka Nyanza ka hor inta uusan booqanin gobolkaasi maalmaha nagu soo aadan.
Sidoo kale munaasabadda maalinka Madaraka Day ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa Kisumu.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka ku amaanay mashaariicda horumarineed uu dalka ka hirgeliyey.
Labada mas’uul ayuu qorshuhu yahay in ay si wadajir ah xariga uga jaraan mashaariic horumarineed oo dhowr ah ee gobolka Nyanza.