Trump oo soo jeediyay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshan madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa Ukraine

0
406

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu wado qorshe uu ku doonaayo in uu si fool ka fool ah u kulmiyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin kaasoo uu sheegay inuu qayb ka yahay dadaalada uu ugu jiro inuu ku soo afjaro dagaalka xukuumadda Moscow ay ku hayso Kyiv in ka badan 3 sano.
Trump ayaa ku dhawaaqay qorshahan shalay ka dib markii uu Aqalka Cad ku marti geliyay Zelenskyy iyo madaxda sare ee Yurub oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiika Emmanuel Macron iyo Raa’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyaga oo yeeshay kulan heer sare oo looga arrinsaday sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka Ukraine oo soo bilawday bishii Febraayo ee 2022-kii.
Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz iyo Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa si kala gaar ah u xaqiijiyay in Putin uu ogolaaday kulanka labada dhinac, balse ma aysan cayimin taariikhda iyo goobta.
Dhanka kale Zelenskyy oo kulanka Trump ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ogal yahay inuu Putin la kulmo si loo soo gabagabeeyo colaada.