DHEGEYSO:Dowladda oo bilaawi doonto la socodka saacadaha shaqada ee shaqaalaha rayidka ah

0
455

Dowladda ayaa waxaa ay ku gudha jirtaa sameyska application cusub oo lagu kormeeraayo wax soo saarka dhammaan shaqaalaha rayidka ah sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadweynaha Geoffrey Ruku.
Wasiirka ayaa aintaa ku daray in App-kan lagala socon doono imaanshaha shaqaalaha iyo wakhtiyada bixitaankooda, heerka fasaxooda sanadlaha ah, iyo imaanshaha wakhtiga dhabta ah si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka ee dhammaan xafiisyada dowladda.
Application-nada la socodka shaqaalaha, ee ku badan hay’adaha gaarka ah, ayaa loo isticmaalaa si loola socdo saacadaha shaqada ee shaqaalaha, dhaqdhaqaaqa kombayuutarkooda, iyo xaaladaha qaarkood goobta ay ku sugan yihiin.
Wasiir Ruku ayaa ka dhawaajiyay in nidaamkan cusub la dhaqan gellin doono dhamaadka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Waxaa uu tilmaamay kala duwanaanshiyaha ku aadan ilaalinta waqtiga shaqaalaha intii lagu jiray booqashadiisa maanta uu ku tagay ismaamulka Embu, isagoo xusay in shaqaalaha xarunta Embu ee Huduma iyo Waaxda Socdaalka ay waqtigii ku haboonaa soo shaqa galeen balse dhiggooda Waaxda Dhulalka ay waqti dambe imaadheen.
Wasiir Ruku ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xiriira roobabka haatan ka da’aayo deegaanada kala duwan ee dalka isagoo ugu baaqay dadka deggan aagaga webiyada inay feejignadaan.