Israa’iil oo duqeysay isbitaal ku yaalo Qaza iyadhoo sii ballaarisay qorshaha barakicinta Falastiniyiinta

0
420

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay isbitaalka al-Ahli ee magaalada Qaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 7 qof, xilli uu millitariga qorshaynayo in uu xoog ku barakiciyo Falastiiniyiinta oo la geeyo koonfurta Marinka.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 11 qof oo kale ay u dhinteen gaajo ay sababtay Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo tirada dhimashadu gaajada ka dhigayso 251 iyadhoo 108 ka mid ah ay yihiin carruur ah.
Dhanka kale tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv, iyagoo ku baaqaya in la joojiyo dagaalka Qaza, lana soo celiyo maxaabiista ay gacanta ku hayso Xamaas, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada caalamiga ah ee looga soo horjeedo dilka Israa’iil ee suxufiyiinta Warbaahinta Aljazeera.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 61,827 qof, halka lagu dhaawacay 155,275 kale oo Falastiniyiin ah sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza.