Maxkamadda sare oo oggolaatay in la-taliyeyaasha madaxweynaha ay ka qayb galaan shirarka wasiirrada

0
648

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad loo gudbiyay oo looga soo horjeeday in madaxweynaha qaranka William Ruto uu la-taliyeyaashiisa u fasaxay in ay ka qayb galaan shirarka golaha wasiirrada.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in tani aynan ahayn xadgudub ka dhan ah dastuurka.
Waxaa uu xaakinka xusay in kastoo farqada 152-aad ee dastuurka ay caddeynaysa xubinnimada golaha wasiirrada , haddana in aynan madaxweynaha mise wasiirrada ka hor istaageyn in mararka qaar ay casuumaan khuburro bixiya talooyin farsamo mise xeerar oo ku saabsan arrimo gaar ah.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay Charles Mugane, oo ku doodaya in go’aankii madaxweynaha ee 27-kii bishii Lixaad ee sanadkii 2023-kii uu ahaa mid dastuurka iyo maamul wanaagga baalmarsan.
Hasa ahaate, maxkamadda sare ayaa sheegtay in Mugane uunan soo bandhigin caddeyn wax ku ool ah oo muujinaysa in la-taliyeyaasha madaxweynaha ay si joogto ah uga mid yihiin golaha wasiirrada.