Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA ku boorriyay inuu xaqiijiyo in boqolkiiba boqol xilliga habboon la helo daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.
Waxaa uu ismaamulka Homa Bay ka sheegay in maamulkiisa uu mudnaan siinaya bixinta daryeelka caafimaadka tani oo qayb ka ah dhaqangelinta qorshaha caafimaadka guud ee (UHC).
Ruto ayaa xusay in ay qasab tahay in daryeelka caafimaad uu noqdo mid waxtar leh.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka KEMSA laga doonaya inuu hubiyo in meesha laga saaro dib u dhacyada ku yimaada soo iibinta agabka caafimaadka iyo daawooyinka.
Waxaa uu ku celceliyay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan bukaannada guud ahaan waddanka ay daaweyn helaan xilliga ay u baahan yihiin.
Maamulka KEMSA oo sheegay in hadda boqolkiiba 57 la buuxiyo dalabaadka qalabka caafimaadka iyo daawooyinka , ayaa ballan qaaday in uu heerkaasi gaarsiin doono boqolkiiba boqol sida uu ku taliyay hoggaamiyaha qaranka.