DHEGEYSO:Qaxootiga Dadaab oo cabasho ka muujiyey raashiin ay ka jartay WFP

0
298

Ka dib markii Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ay soo kordhisay barnaamij dadka qaxootiga ah lagu kala saaray iyadoo lagu saleynaya sida ay nolol ahaan u kala daran yihiin oona loo qaybiyay ilaa 3 qaybood isla markaana qaarkood laga jaray raashiinkii ay qaadan jireen ayaa waxaa arrinkaas cabasho ka muujiyey qaar ka mid ah qoysaskii ay tallaabadaasi saameysay .
Waxay sheegeen inay baahi badan u qabeen raashinka oo ay ka xunyihiin go’aanka raashiinka looga jaray.
Qoysaskan ayaa intaasi ku daray in aan lagala tashan qorshahan ayna yihiin bulsho nugul oo aan waxbo haysan.
Qaar ka mid ah oo u warramay warbaahinta Star ayaa yidhi.