Dambi baarayaal ka socda Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa weerar ku qaaday guriga iyo xafiiska afhayeenka barlamaanka ismaamulka eedeeymo la xiriira dukumentiyo been abuur ah oo uu sameystay.
Dambi baarayaasha ayaa subaxnimadii hore ee Talaadada weeraray guriga uu guddoomiyaha baarlamaanka ka degan yahay magaalada Muthaiga, ka hor inta aysan booqan xafiiska uu ku leeyahay golaha.
Isagoo khadka taleefoonka kula hadlay Talefishinka maxalliga ah ee Citizen madaxa EACC ee gobolka Bartamaha dalka Japheth Baithalu ayaa sheegay in ujeeddada baaritaanka ay tahay in la aruuriyo cadeymaha lagu xaqiijin karo eedeymaha.
Gudiga ayaa balan qaaday in ay soo saari doonaan war rasmi ah oo ku aadan baaritaanada ay ku hayaan guddoomiye Lantano Nabaala.
Sanadkii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu la tacaalayay eedeymo la xiriira in uu shaqadiisa ku helay shahaado akademiyad oo been abuur ah. Tani ayaa waxaa ay keentay in qayb ka mid ah wakiilada laga soo doortay degmooyinka Laikipia in ay warqad u qoraan hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa, iyaga oo ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo waraaqihiisa tacliinta.