Dowladda oo xaqiijisay in KDF la geeyay bariga Turkana ka dib markii la dilay 40 kaluumaysato ah

0
505

Wasiirka Gaashandiga dalka Soipan Tuya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay kordhisay ciidamada militariga ee ku sugan Bariga Turkana ka dib markii 40 kaluumaysato ah lagu dilay Todonyang.
Iyadoo ka soo hormuuqatay guddiga Difaaca Baarlamaanka Qaranka, Tuya ayaa su’aalo laga weydiyay tillaabooyinka ay dowladda qaadeyso si loo sugo xuduudaha waqooyi ee dalka.
Si gaar ah xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Turkana Ekwom Nabuin ayaa codsaday in faah faahin laga bixiyo baaritaanada lagu hayo 40-ka kalluumeysatada ee lagu xasuuqay harada Turkana iyo in magdhow lasiiyo qoysaska dhibanayaasha.
Nabuin ayaa waxaa taageeray sdhigiisa deegaanka Kamukunji, Yusuf Xasan, kaasoo dilka u dhigay arrin faragelinayso madax bannaanida waddanka.
Iyadoo oo ka jawaabaysa su’aalaha ayaa Tuya waxaa ay ku celcelisay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay sare u qaaddo in saraakiisha millatariga la geeyo deegaanka ay dhibaatadu saamaysay.
Waxaa ay ka warbixisay tillaabooyinka ammaanka, oo ay ku jiraan xoojinta ciidanka KDF ee cutubyada booliiska ee Bariga Turkana, ilaalinta hawada ee loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo xoojinta xarumaha amniga xuduudaha.
Tuya ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in warqad mudaaharaad ah loo diray dowladda Itoobiya iyo in u qeybsanaha difaaca Kenya ee ku sugan magaalada Addis Ababa uu arrintan kala hadlayo wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya.
Waxaa kaloo ay sheegtay in heshiis ay Itoobiya la gashay ay dib u eegis ku sameynayaan heerka laba geesoodka ah si wax looga qabto arrimaha amniga ee soo ifbaxaya.