Dr. Duncan Oburu Ojwang’ ayaa diiday inuu qabto xilka guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya (KNCHR) oo uu dhawaan madaxweyne William Ruto u magacaabay.
Warqad uu u diray afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetangula ayuu Dr. Ojwang’ waxaa uu ku soo qaatay sababo shaqsi ah iyo iska hor imaadka danaha ee doorkiisa cusub.
Tani ayaa waxaa ay hadda hakisay hannaankii ansixinta ee loo qorsheeyay maanta oo Arbaco ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa u magacaabay Dr. Ojwang’ markii jagadan ay bannaanaatay ka dib dhimashadii Roseline Odhiambo Odede bishii Janaayo ee sanadkan, ka dib markii ay muddo yar xanuunsaneyd.
Magacaabistiisa ayaa si kastaba ha ahaatee waxaa khilaaf ka keenay kooxo rayid ah oo tagay maxkamadda iyagoo ku doodaya in madaxweyne Ruto uu ku guuldareystay ilaalinta sharciga sinnaanta jinsiga.
Waxaa ay soo xigteen qodobka 250 (II) ee dastuurka oo mamnuucaya in dad isku jinsi ah loo magacaabi karin guddoomiye iyo ku xigeenkiisa ee guddiga.
Dr. Raymond Nyeris oo ah ku xigeenka guddoomiyaha KNCHR ayaa sidoo kale ah rag.
Sidoo kale, Qaybta 1(6) ee Jadwalka Labaad ee Sharciga KNCHR ayaa waxaa uu dhigayaa in guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa aysan isku jinsi ahaani karin.