Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa baaritaan ku haya 9 guddoomiye oo ku lug leh kiisaska musuqmaasuqa xilli ay sii xoojiyeen la dagaallanka musuqmaasuqa dalka oo dhan.
Guddoomiyaha EACC Dr. David Oginde ayaa Talaadada maanta ah sheegay in guddiga uu baarayo maamul goboleedyada musuqmaasuqa aafeeyay iyadoo barasaabyada ay hogaaminayaan shaqaalaha dowlad goboleedyada ay khuseyso.
Dr. Oginde oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaar ka mid ah degmooyinka xiriirka la leh ay yihiin kuwa ay leeyihiin bulshooyinka la heyb sooco, isagoo intaa ku daray in madaxda la soo doortay ay xadaan dhaqaalaha ismaamullada si ay ugu maalgashadaan magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in rabitaanka joogtada ah ee dhaqaale gobollada uu si weyn u curyaamiyay horumarka deegaanada aan kor ku soo sheegnay.
Waxaa uu intaa ku daray in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday nidaam ka jira kowntiyada oo madaxda sare ay u adeegsadaan saraakiisha da’da yar si ay lacagaha ugu shubaan akoonadooda.
Wadooyinka qaar ee lacagaha lagu dhaco waxaa ka mid ah qandaraasyo, iyadoo shaqsiyaadka ay abuuraan shirkado ganacsi la sameeya gobolada, iyagoo sicir barar ku sameynaya lacagaha adeeg bixinta.
Dr. Oginde ayaa sheegay in cabaqada guddiga hortaagan ay tahay gaashaanka siyaasadeed ee shaqsiyaadka lagu helo musuq maasuqa, taasoo adkeyneysa in maxkamad la soo taago.
Home Wararka Kenya Sagaal barasaab oo ku jira liiska eedaymaha ku takri falida hantida dadweynaha...