Israa’iil oo ku dishay 12 qof gudaha Qaza iyadoo adduunku uu ka murugoonayo shaqaalihii Al Jazeera ee la dilay.

0
409

Filastiiniyiinta ku nool Qaza ayaa waxaa ay qabteen aaska shan wariye oo ka tirsan warbaahinta Al Jazeera oo ay Israa’iil ku dishay Qaza, iyadoo mudaharaadyo caalami ah ay ka dhaceen magaalooyin ay ka mid yihiin London, Berlin, Tunis iyo Ramallah si ay u cambaareeyaan weerarka bartilmaameedka ahaa.
Dhanka kale Midowga Yurub, Shiinaha iyo Jarmalka ayaa cambaareeyay dilalka, halka Qaramada Midoobay ay weerarka ku sheegtay “jabin culus oo ka dhan ah sharciga bani’aadminimada ee caalamiga ah.”
Dagaalka Israal ee Qaza ayaa inta uu socdo tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 61,499 qof halka mudadaas gudaheedane lagu dhaawacay 153,575 kale oo Falastiniyiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.