Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeyn ku dilay 5 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta caalamiga ee Aljazeera.
Waxaa howlwadeennadan ka mid ah wariye Anas al-Sharif oo warbaahintan uga soo warramayay marinka Qaza.
Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday teendho ay ka howlgalayeen oo laga sameeyay afaafka isbitaalka al-Shifa Hospital ee magaalada Qaza.
Militariga Israa’iil oo bayaan soo saaray ayaa sheegay inuu ka takhalusay shanta qof.
Waxay Israa’iil ku andacootay in wariye Anas uu hoggaaminayay garabka militari ee ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Afarta qof oo kale ee la dilay ayaa kala ah wariye Mohammed Qreiqeh, labo sawir-qaadayaal oo kala ah Ibrahim Zaher iyo Moamen Aliwa sidoo kale Mohammed Noufal.