Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin, Varsen Aghabekian Shahin ayaa beesha caalamka ka dalbatay in ay joojiso xasuuqa ay Israa’iil u gaysanaysa shacabka Qaza.
Wareysi ay siisay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayay Varsen ku sheegtay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC laga doonaya inuu adeegsado xeerarka caalamiga oo laga hadlo dhibaatada ka taagan Marinka Qaza si Israa’iil lagula xisaabtamo dhibaatooyinka ay gaysanayaan ciidamadeeda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee Israa’iil uu dhawaan ansixiyay qorsho lagula wareegaya magaalada Qaza.