Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku kulmi doona magaalada Alaska Jimcaha soo socda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Kulankan ayaa qabsoomi doona 15 Agoosto,waxaana sido kale xaqoojiyay afhayeen u hadlay aqalka Kremilinka , isagoo sheegay in goobta kulanku tahay “mid si macquul ah u qorshaysan.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Trump lagu casuumay Ruushka shir madaxeedka labaad ee suuragalka ah.
Ma jirin wax falcelin ah oo degdeg ah oo kasoo baxay Ukraine.