Madaxweyne Ruto oo magacaabis sameeyay

0
464

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Charles Kamau Karondo u magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha aan ku meel gaarka ahayn ee maamulka sare ee isgaarsiinta Kenya.
Madaxa Dawladdu ayuu ku sheegay in Karondo uu shaqayn doono muddo saddex sano ah, oo isla markiba dhaqan gashay .
Xilkan oo horey loo magacaabay haweeneyda ganacsatada ah ee Mary Wambui Mungai ayaa jagadaas lagala noqday.