Guddi kormeeraya dhaqangelinta warbixintii NADCO oo la magacaabay

0
226

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa soo magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo kormeeri doono dhaqangelinta ilaa 10 qodob oo lagu xusay warbixintii NADCO.
Warbixintan ayaa laga soo saaray wada hadallo u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka oo laga qayb geliyay qaybaha kala duwan ee bulshada si xal loogu helo caqabadaha qaran.
Waxaa guddigan hoggaaminaysa Agnes Zani oo horay si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare .
Waxay diiwaangelin doonaan aragtida mas’uuliyiinta laamaha dowladda , waaxyaheeda, guddiyada madaxa bannaan , ururrada rayidka , hay’adaha diimeed iyo waaxyaha gaarka ah.
Xubnaha guddigan ayaa kala ah Fatuma Ibrahim oo ka tirsan golaha xeer dejinta ee Bariga Afrika ee EALA , Kevin Kiarie, Gabriel Oguda iyo Javas Bigambo .
Waxaa bayaanka ay si wadajir ah u saxiixeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga lagu sheegay in guddiga la soo dhisay uu korjoogteyn doono dhaqangelinta qodobbada warbixintii NADCO iyo heshiisyo ay labada dhinac gaareen 7-dii bishii Saddexaad ee sanadkan iyadoo la sameynaya wada tashiyo ballaaran.
Qodobbadan waxaa ka mid ah hoggaanka iyo hufnaanta, deymaha qaran, ilaalinta iyo xoojinta dowlad wadaajinta, la dagaallanka musuqmaasuqa , horumarinta nolol-maalmeedka dhallinyarada , joojinta ku tagriifalka lacagaha dadweynaha , xaqiijinta sarreynta sharciga iyo kuwo kale.
Waxaa bayaanka lagu xusay in 18-ka bishan la soo bandhigi doono guddi iskudhaf ah xilligaasi oo la qaban doono kulanka xildhibaannada UDA iyo ODM.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 7-da bisha Saddexaad ee sanadka 2026-da in dadweynaha lala wadaago warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhaqangelinta waxyaabihii lagu heshiiyay bishii 3-aad ee sanadkan.
Bayaanka waxaa ku cad in ay jiri doonto xoghayn iskudhaf ah oo matalaysa xoghayeyaasha fulinta ee xisbiyada UDA iyo ODM si garab loo siiyo guddiga la soo magacaabay.
Howlaha guddigan ayaa waxaa si buuxda u dardargelinaya una maalgelin doono xisbiyada UDA iyo ODM.