Bitok oo amray in tallaabo laga qaado dugsiyada ay basaskoodu shaqeeyaan xilliyo aan loogu talagelin

0
209

Xoghayaha waxbarashada aasaasiga ee dalka Julius Bitok ayaa saraakiisha wasaaradda tacliinta u qaabilsan deegaannada kala duwan ku amray in ay tallaabo ka qaadaan dugsiyada ay basaskoodu shaqeeyaan inta aan la gaarin 6-da aroornimo iyo wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo.
Waxaa uu Bitok sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka war qabaan in ay jiraan basas ardayda qaado xilliyo saacadahan ka baxsan taasi oo liddi ku ah isbeddel lagu sameeyay xeerka waaxda taraafikada sanadkii 2017-kii.
Xeerkan ayaa la soo saaray ka dib markii ay dhaceen shilal saameeyay basaska qaar ka mid ah dugsiyada waddanka.
Waxaa uu Xoghayaha sheegay inuu dhammaan agaasimeyaasha wasaaradda waxbarashada ee gobollada, ismaamullada iyo deegaannada faraya in ay xaqiijiyaan in arrintan si buuxda loogu hoggaansamo.
Waxaa uu wacad ku maray in cid kasta ama dugsigii aan xeerkan ilaalin laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Bitok ayaa xilli uu ka qayb gelayay dabbaal degyada qaran ee heesaha oo lagu qabtay ismaamulka Meru sheegay in amarkan si buuxda loo dhaqangelinaya.
Waxaa uu ku celceliyay in wasaaradda ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka ardayda.