Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha xisaabaadka ee PAC ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro barta casriga ee laga helo adeegyada dowladda ee E-Citizen.
Tani ayaa timid ka dib markii xafiiska hanti dhowraha qaranka uu sheegay in ay jiraan khaladaad iyo lacago aan la ansixin oo bartan lagu bixiyay lagana sii wareejiyay iyadoo aan la faahfaahin.
Xildhibaanka deegaanka Butere ahna guddoomiyaha guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka Tindi Mwale ayaa sheegay in bartan ay tahay meel uu fal dambiyeed ka dhacay.
Warbixinta xafiiska hanti dhowrka dalka ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay in la lunsaday ilaa 127 milyan oo shilin.
Guddiga PAC ayaa soo jeediyay in E-Citizen aynan sii shaqeyn ilaa laga caddeynaya aasaaskii sharciyeed ee lagu soo dhisay loona xaqiijinaya in bartan aan loo adeegsan lunsashada lacagaha dadweynaha.