Madaxweynaha dalka oo ka falceliyay dhaliilaha ka dhanka ah sanduuqa amaahda ee Hustler Fund

0
450

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa si wayn u difaacay sanduuqa amaahda dowladda ee loo yaqaano Hustler Fund.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii guddiga xuquuqul aadanaha ee Kenya ee (KHRC) uu ku baaqay in sanduuqan meesha laga saaro maadaama aan la haleelin ujeeddadii loo aasaasay oo ahayd in danyarta iyo ganacsatada yaryar ay ka helaan kabid dhaqaale.
Guddigan ayaa sheegay in marka uu qofka qaato deyn ah 500 oo shilin in aan la siin 340 shilin oo lacagtaasi ka mid ah.
Hasa ahaate, madaxweyne Ruto ayaa xilli uu maanta la hadlayay waaxyaha gaarka ah sheegay in sanduuqan uu noqday mid guulaystay tan iyo markii la daahfuray dabayaaqadii sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu xusay in la bixiyay amaah dhan 72 bilyan oo shilin oo ay ka faa’iidaysteen 26 milyan oo kenyaan ah.
Ruto ayaa intaasi ku daray in heerka dib u bixinta amaahda Hustler Fund ay tahay boqolkiiba 83.6 halka ganacsatada yaryar ay kaysadeen in ka badan 5 bilyan.
Waxaa uu dadka arrintan dhaliilsan ku tilmaamay kuwo aan arag wanaagga mashaariicda dowladda sidaasi awgeedna marin habaabay.