Xubnaha golaha xuquuqul insaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa ku heshiiyay in baaritaano furan oo heer caalami ah lagu sameeyo duullaankii ay 10-kii bishan Israa’iil ku qaaday marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 248 qof iyada oo ku dhawaad 2,000 oo kalena la dhaawacay.
Duqeymaha ayaa socday muddo 11 cisho ah ka hor inta aan lagu soo afjarin heshiis xabad joojin ah.
Golaha ayaa sheegay in sidoo kale dabagal lagu sameyn doono xadgudubyo ka dhacay daanta galbeed ee Falastiin iyo gudaha Israa’iil.
Waxaa in baaritaannada la sameeyo u codeeyay 24 xubnood oo ka mid ah golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay halka 9 ay ka soo horjeesteen waxaana ka aamusay 14.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in aynan garab siin doonin saraakiisha baaritaanada sameynaya.