Taageerayaasha Xisbullah oo ka mudaaharaaday hub ka dhigista

0
387

Taageerayaasha Xisbullah ayaa isugu soo baxay caasimadda Lubnaan ee Beirut si ay uga mudaaharaadaan qorshaha hubka looga dhigaya kooxda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filaya inuu qabsoomo shirka golaha wasiirrada oo arrintan ku saabsan.
Banaanbaxyadu waxay xalay fiidkii ka dhaceen magaalada Beirut xilli ay Mareykanku cadaadis ku saarayaan Lubnaan si ay Xisbullah ugu qanciso inay hubka dhigto.
Hoggaanka cusub ee Lubnaan ayaa ballanqaaday inuu xukunkiisa gaarsiin doono dhammaan dhulka dalka, hase yeeshee ilaa hadda tallaabo lagama qaadin ururka Xisbullah.