Muwaadiniin u dhashay Burundi loo loo haysto ka ganacsiga foolasha maroodiga

0
421

Waxaa maxkamadda Mombasa la soo taagay labo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Burundi.
Waxaa lagu helay oo loo haystaa ka ganacsiga foolashada maroodiga.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Gakiza Sulemani iyo Nkunubumwe Celecius waxayna ka soo hormuuqdeen garsoore sare David Odhiambo.
Waxaa maxkamadda lagu wargeliyay in markii la soo qabanayay ay siteen 27 xabbo oo ah foolasha maroodiga oo ah ilaa 62.85 kiilogaraam qiimaha ahaanna u dhigma in ka badan 12 milyan oo shilin.
Garsoore Odhiambo ayaa mid kasta ku siidaayay damaanad ah 4 milyan waxaana lagu wadaa in maxkamadda ay kiiskan mar kale soo qaaddo 20 –ka bishan Siddeedaad ee August.