Guddoomiyaha golaha Siaya oo beeniyay in Orengo uu is casilay

0
390

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Siaya ,George Okode ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegaya inuu xafiiska baneeyay barasaabka dowlad deegaankaasi James Orengo .
Waxaa uu sheegay in warqaddaasi ay tahay mid faalis ah oo ay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed.
Okode ayaa xusay in Orengo uu hadda dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiyeed balse uunan is casilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in la filaya in guddoomiyaha Siaya uu dhawaan dalka dib ugu soo laabto.
Okode ayaa xaqiijiyey in howlaha Siaya ay sidii caadiga ahayd u socdaan xita iyadoo uu barasaabka maqan yahay.