5 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Gilgil

0
415

Waxaa la xaqiijiyay in shan ruux oo uu canug yar ka mid yahay ay ku nafwaayeen shil laga soo tabiyay deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Shilka ayaa ka dhacay aagga Mbaruk ee Gilgil gaar ahaan waddada wayn ee xiriirisa Nakuru iyo magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu.
Afarta qof ee kale ayaa isugu jira labo rag iyo labo haween ah.
Sarkaalka waaxda taraafikada ee ismaamulka Nakuru Allan Ogolla ayaa sheegay in dhammaan dadka shilka ku geeriyooday ay ku safrayeen baabuur shakhsiyeed.
Shilka ayaa yimid ka dib markii wadaha baabuurka uu isku dayey inuu ka horumaro gawaari kale oo dhowr ah taasi oo keentay in ay isku dhacaan baabuur xamuul.
Mr.Ogolla ayaa xaqiijiyay in 5-ta qof ay ku geeriyoodeen goobta uu shilku ka dhacay wuxuuna darawaliinta ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan.