Wasiirka iskaashatooyinka oo difaacay amaahda Hustler Fund

0
415

Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ee dalka Wycliffe Oparanya ayaa difaacay sanduuqa amaahda ee dowladda ee Hustler Fund.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin uu shalay soo saaray guddiga xuquuqul aadanaha ee Kenya ee (KHRC) uu ku sheegay in sanduuqan uu yahay mid siyaasadeysan oo aan lagu haleelin ujeeddooyinkii laga lahaa ee taageeridda ganacsatada yaryar.
KHRC ayaa xustay in barnaamijka Hustler Fund uunan ahayn mid waaraya maadaama uunan jirin qorsho awoodsiin ah oo uu ku saleysan yahay.
Guddiga ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro sanduuqa amaahda ee Hustler Fund oo xita haddii dib u eegis lagu sameeyo aan la xallin karin khaladaadkii siyaasadeed, sharciyeed iyo qaabeyntii aasaasiga ahayd ee lagu soo dhisay.
KHRC ayaa intaasi ku dartay in qofka uunan wada helin amaahda uu codsado oo ay jirta lacag laga jaraya.
Hasa ahaate, wasiirka iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar ee dalka Wycliffe Oparanya oo eedeymahan ka jawaabayay ayaa guddiga xuquuqul aadanaha ee KHRC ku eedeyay inuu adeegsaday xog aan sax ahayn iyo qaab macluumaad uruurin oo aan dhexdhexaad laga ahayn.
Waxaa uu xusay in sanduuqa deymaha ee Hustler Fund uu horumar gaaray tan iyo markii la daahfuray dabayaaqadii sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu xusay in markii cilmi baarista warbixinta laga soo saaray la sameynayay aan lala tashan wasaaradda iyo maamulka sanduuqa amaahda.
Sidoo kale , wasiir Oparanya ayaa beeniyay in sanduuqan lagu maalgeliyay ilaa 50 bilyan oo shilin.
Waxaa uu qiimaha lacagtaasi ku sheegay 14 bilyan oo shilin isagoo tilmaamay in warbixinta KHRC ay tahay mid siyaasadeysan oo shacabka marin habaabinaysa.
Wasiirka ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray in ay adag tahay helidda amaahdan wuxuuna tilmaamay in ugu yaraan 9 milyan oo qof ay si joogto ah lacago uga deynsadaan Hustler Fund.
Warbixinta guddiga xuquuqul aadanaha ee KHRC ayuu ku tilmaamay mid si habacsanaan ay ka muuqato loo soo gabagabeeyay.